Ciidamada Kenya Oo Duqeeyay Jilib

0

Jilib (AGGM) Warar naga soo gaaraya degmada Jilib ayaa sheegaya in duqeyn ay diyaarado dagaal ka gaysteen deegaan lagu magacaabo Lambar 4 oo koonfur ka xigta degmadaas.

Dadka deegaankaas ayaa ku soo waramaya in duqeyntaas la aaminsanyahay in ay leedahay dawlada Kenya balse arrintaas ayaana wali la xaqiijin.

Ma jirin wax qasaare ah oo ka dhashay duqeyntaas balse Alshabaab ayaa dhinacooda billaabay qabanqaabo ay uga hortagayaan diyaaradaas, iyagoo diyaaradaha u adeegsaday hubka lidka diyaaradaha.

Duqeyn horaantii 2012dii iyo 2011 ka dhacday degmada Jilib ayaa waxaa waxyaalo ay ku soo gaartay dad rayid oo aana lug ku lahayn dagaalada dhexmaraya kooxda Alshabaab iyo dawlada Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com