Dhageyso: Ciidamada Kenya Oo Xasuuq Ka Wada Gadoondhawe Iyo Qadiijo Xaaji Dhimasho Iyo Burbur La Soo Sheegayo

0

Beledxaawo(AGGM) Wararka naga soo gaaraya deegaanada Gadoondhawe, Qadiijo Xaaji, Qabri Sheekh, Mataa Arbaa ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay xasuuq xoogan ka waddaan deegaanadaas, islamar ahaantaasna laga jaray qadka isgaarsiinta si aan loo ogaanin howlgal ay halkaas ka wadaan.  

Xasuuqaan oo 26kii bishaan ay billaabeen ciidamada Kenya ayaa waxa ay ku dileen oday waayeel ah iyo labo wiil oo uu dhalay. Iyagoo xoolo gaaraya 53 Lo, iyo 70 neef oo ari ah ku laayay madaafiicda calculus oo ay adeegsanayaan.

Cabdirashiid Maccalin Gaas oo kamid ah waxgaradka deegaanada Jubbooyinka ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay xasuuq u gaysanayaan dad aan waxba galabsan iyagoo adeegsanaya magaca la dagaalanka Alshabaab.

Halkaan ka dhageyso waxa ka socda Gadoondhawe, Qadiijo Xaaji, Qabri Sheekh, Mataa Arbaa

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com