DHAGEYSO:- Dadaal;o Nabadeed oo ka socda degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud

0

Khaliif C/Samad Madaxa Arrimaha Bulshada Degmada Caabud Waaq ee Gobolka Galgaduud oo la hadlay warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay iney Wadaan dadaalo lagu doonaayo in lagu joojiyo Dagaalkii Shalay ka dhacay Degmada Caabud Waaq.

Waxa uu Sheegay in Maamulka Degmada oo kaashanayo Waxgaradka iyo Odiyaasha Degmada ay ku howlan yihiin Sidii loo heshiisin lahaa dadkii ku dagaalamay Caabud Waaq iyo Joojinta Dagaalkaasi.

Ugu dambeyn Khalif C/Samad Madaxa Arrimaha Bulshada Degmada Caabud Waaq ayaa tilmaamay in iminka Xaalada Degmada Caabud waaq ay tahay mid wanaagsan.

Shalay waxaa degmada Caabud Waaq ee Gobolka Galgaduud ka dhacay Dagaal waxa uuna Dagaalkaasi Sababay Khasaaraha ee dhimasho 10 Ruux iyo Dhaawaca ku dhawaad 15 Qof.