DHAGEYSO:- Dowlada oo abaal marin siinaysa qofkii soo sheegayaa qorshayasha Shabaab ee Muqdisho.

0

Wasaarada Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday in ay abaalmarinayaan shaqsi waliba oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo soo gudbiya macluumaad la xiriira falal amnidaro oo lagu maleegay Magaalada Muqdisho.
Sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka Wasaarada Amniga Maxamed Yuusuf Cusmaan, muwaadin waliba oo Muqdisho ku nool, ayaa wuxuu sheegay in Wasaarada Amniga Dowladda Soomaaliya ay abaalmarin doonto, hadii uu soo gudbiyo macluumaad dhanka ammaanka la xiriira.

Inkastoo Wasaarada Amniga aysan shaacin abaalmarinta waxa ay noqon doonto, ayaa hadana Wasaarada Amniga waxa ay sheegtay inay horay u abaalmarisay labo ruux oo soo kala gudbiyay Baabuur lagu soo xiray waxyaabaha qarxa oo muwaadiniin Soomaaliyeed lagu dhibaateyn rabay.

Hadalka Wasaarada Amniga kasoo baxay, ayaa kusoo aadayaa xilli shalay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xeebta Liido lagu fashiliyay baabuur lagu soo xiray waxyaabaha qarxa oo uu lahaa Muwaadin Soomaaliyeed.