DHAGEYSO:- Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay howlgalada iyo dagaalada Al-Shabaab ay kula jirto

0

Afahayenka Xukuumada Soomaaliya Ridwaan Xaaji C/weli ayaa ka hadlay howlgalada ka soconaya qaar ka mid ah gobolada dalka waxa uuna sheegay Afahayeenka in dowlada Soomaaliya ay ku howlan tahay sidi loo soo gabagabeyn lahaa kooxda naba diidka ah ee Al-Shabaab.

Ridwaan Xaaji C/weli ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku dadaaleyso sidii gacanta loogu soo dhigi laha shaqsiyaadka ka dambeeya dilalkii ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dhanka kale Ridwaan Xaaji C/weli Afahayenka xukuumada Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaaladii ka dhacay deegaano ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo Baay waxa uuna sheegay in Al-Shabaab laga saaray deegaanadaasi.