Dhageyso: Wareysi Haraga Looga Siibay Fartaag ”Jubbaland Kismaayo Ayay Dhaafi La’dahay Ee Sidee Wax U Jiraan”

0

Kismaayo (AGGM) Maamulka dhicisoobay ee Kooxda Raaskambooni ayaa waxaa lagu ifiyey toosh weyn kaddibmarkii lagu dhalaaliyey in Jubbaland ay dhaafi la’dahay Kismaayo iyo waxa haysta maadaama tan iyo mudadii ay ismagacaaabeen ay wax tillaabo ah qaadi la’yihiin.

Fartaag horjoogaha 2aad ee Raaskambooni ayaa la waydiiyey in Jubbaland Kismaayo ay  dhaafi La’dahay ayaa meel kale la aaday jawaabta isagoo ku marmarsiyooday waxyaabo ay caadi ka dhigteen koox beeleedka Raaskambooni.

Horjoogahan ayaa la waydiiyey waxyaabaha uga hirgelay balanqaadyada iyo foolax goodaynta ay mar walba Kismaayo ka sameeyaan marka ay yimaadaan wafuuda EU iyo xubnaha kale ee isha ku haya xaalada cakiran ee Kismaayo.

Maamulka Kismaayo ayaa sidoo kale wax laga waydiiyey inuu isku qasanyahay oo sidii jabhadihii ku habso ay isugu qasanyihiin.

Fartaag Oo La Waydiiyey” Jubbaland Kismaayo Ayay Dhaafi La’dahay, Iskuulo Ma Jiraan, Maalin Cad Ayaa Dadka La Dilaa, Kismaayona Ku Habso Ayaa Ka Jirtee Sidee Wax U Jiraan”

Halkaan ka dhageyso wareysi xiise leh oo uu ku dhiiqday Fartaag.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com