Dhageyso:-Gaas:dowlada Soomaaliya waxan ka rabnaa kooxihii dilay Saado

0

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo kahadlayey dilka Allaha u naxariistee marxuumad Saado Cali Warsame ayaa sheegay in maamulka Puntland dowlada Soomaaliya ay u jeedinayaan in sharciga lahorkeeno kooxihii ka dambeeyey falka lagu dilay xildhibaanada.

Gaas waxa uu sheegay in Saado ay aheyd qof qaali ku ah bulshada Soomaaliyeed sidaasi daraadeedna dowlada ay ka doonayaan in ciqaab la mariyo kooxahaasi.

Waxa uu ku cel celiyey madaxweyne Gaas in aaney aqbali doonin in lacafiyo kooxaha dilka kadambeeyey, waxaana uu xusay in ay ku qancayaan iyadoo sharciga lawaafajiy kooxahaasi

Halkan  ka dhageyso