Dhageyso: Galmudug” Beelaha Caabudwaaq Ku Dagaalamay Ma kala Maarmaan”

0

Gaalkacyo(AGGM) Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ah C/samad Nuur Guuled  ayaa baaq deg deg u diray labada beelood ee walaalaha ah ee shalay ku dagaalamay magaalada Caabudwaaq, isagoo sheegay inay yihiin dad aan kala maarmin oo walaalo ah.

C/samad Nuur Guuled   ayaa sheegay in Galmudug ahaan ay diyaar u yihiin inay ka qeybqaataan daminta colaadaas haddii loo baahdo, ayna aad uga xunyihiin in si macne daro ah loo daadiyo dhiig dad walaalo ah.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug  ayaa tilmaamay in loo baahnyahay in la xurmeeyo bisha barakaysan ee Ramadaan, wuxuu sheegay in dadku ay walaalo yihiin oo inta nool ay isku soo hari doonto, baritana shaaxa ay wada cabi doonaan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa yiri ” Laba Beelood Ee Caabudwaaq Ku Dagaalay Ma kala Maarmaan Waa Walaalo, Ee Xabada Ha Joojiyaan”

Halkaan ka dhageyso Madaxweyne ku xigeenka Galmudug

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com