Dhageyso Garaad Cabdullaahi Cali Ciid ” Celi Iyo Wagardhac Colaada Ha Joojiyaan, Waa Dad Walaalo Ah”

0

Garoowe (AGGM) Nabadoon Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo ah afhayeenka Isimada Puntland ayaa ku baaqay in colaada beelaha walaalaha ah u dhexeeya ee ka taagan degmada Caabudwaaq si deg deg loo soo afjaro.

Nabadoonka ayaa sheegay inay nasiib daro tahay in la dilo ergadii jifooyinka walaalaha ku dhexjirtay si colaada loo joojiyo, taasina ay tahay talo xuma weyn.

Warar horudhac ah oo aanu ka helnay degmada Caabudwaaq ayaa sheegay in wax xoogaa qaboojinta xiisadahaas ah xalay lagu guulaystay balse loo baahanyahay in la helo nabad cagaheeda ku istaagta, lana walaaleeyo labadaas jifo ee walaalaha ah.

Garaadku wuxuu sheegay in isimada Puntland ay ka xun yihiin collaada, isagoo ku hadlaya afka isimada wuxuu ku baaqay in xiisada la qaboojiyo oo beelaha dirirtu u dhexayso nabad la dhex-dhigo lana heshiisiyo.

Xiisadaaha ka taagan Caabudwaaq ayaa salka ku haya aano qabiil iyo colaad hore oo jirtay, taasoo muddooyinkaan lagu howlanaa sidii loo soo afjari lahaa.

Halkaan ka dhageyso Nabadoon Garaad Cabdullaahi Cali Ciid

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com