Dhageyso: Goobaha Ay Maamusho Ahlusuna Ee Galgaduud Oo Aan Laga Ciidin

0

Caabudwaaq(AGGM) Inkastoo meelo kala duwan oo caalamka kamid ah laga ciidayo maanta ayaa waxaa jirta inaan maanta laga ciidin deegaanada ay gacanta ku hayso Ahlusuna Waljameeca.

Magaalooyinka waa weyn ee gobolka Galgaduud sida degmada Caabudwaaq, Dhuusomareeb, Xeraale, Guriceel ayaysan maanta ciid u ahayn.

Maamulka Ururka Ahlusuna Waljameeca ee Gobalada Dhexe ayaan ciida iclaamiyey maalinta barito ah, iyadoo maanta laga soomanaa degmooyinka ay maamulaan.

Inbadan oo shacabka kamid ah ayaa u hoggaansamay awaamiirta Ahlusuna, mana jirin la arkayy iyadoo ciida. Marka la eego Galgaduud waxaa kaliyah oo laga ciida deegaanada Ximan iyo Xeeb iyo goobaha ay maamusho Alshabaab.

Inta badan gobolka Galgaduud way ka dhacdaa in la isku khilaafo maalinta koowaad ee ciida.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixinta Wariye Nafiso Xirsi

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com