Dhageyso: Horjooge Raaskambooni Oo difaacay Xasuuqa Kenya Ay Ka Wado Qadiijo Xaaji Iyo Mataa Arbaa Gedo

0

Kismaayo (AGGM) Koox beeleedka Raaskambooni ayaa si adag u difaacay walaalahood Keenyaatiga dulmiga iyo burburinta ku haya shacabka aan waxba galab ee deegaanada Qadiijo Xaaji Iyo Mataa Arbaa oo ka tirsan gobolka Gedo.

Ciidamada Kenya ayaa howlgal aysan caalamku ogeyn waxa ay ku dileen ilaa 3 qof oo rayid ah, iyagoo sidoo kale cagtamariyey xoolo ka badan 100 neef oo ay lahaayeen qoysas masiikiin ah.

Ninka ugu magaacaban koox beeleedka Raaskambooni gudoomiyaha  Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf  kuna dhashay Puntland gaar ahaan gobolka Nugaal ayaa beeniyey in xasuuqa shaacbaxay oo ay ciidamada Kenya ka wadaan qeybo k mid ah Gedo.

Raaskambooni ayaana ahayn dad u dhashay dulka, oo u diirnaxaya umada Soomaaliyeed maadaama ay ka yimaadeen dhulal fog fog sida kilinka 5aad iyo deegaanada Puntland.

Halkaan ka dhageyso Ninka ugu magaacaban koox beeleedka Raaskambooni gudoomiyaha  Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com