DHAGEYSO:- Kalfadhigii Afaraad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta la soo xirayo iyo Madaxweynaha….

0

Waxaa Talaadada maanta ah la filayaa in la soo xiro fadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Somaliya, iyadoo uu dhinaca kalana uu maanta taggi doono Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaan wax kulan ah isugu imaan Xarunta Golaha Shacabka, kadib weerarkii ismiidaaminta ee 5-tii bishaan ka dhacay barxada Sayidka, oo ku dhow Xarunta Baarlamaanka.

3-dii bishaan, ayay sidoo kale ahayd markii Magaalada Muqdisho lagu dilay Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd, oo ka tirsanaa Xildhibaanada Baarlamaanka.

Tallaabada ay Xildhibaanada kaga baaqsadeen inay kulmaan, ayaa waxay ka dambeysay, iyagoo kalsooni daro weyn ka muujiyay in leesku halleen karo ammaanka Magaalada Muqdisho.

Kolka maanta la soo xiro fadhiga 4-aad ee Baarlamaanka, ayaa waxay Xildhibaanadu geli doonaan fasax muddo laba bilood ah, xilli Baarlamaanka laga suggaayo in uu meelmariyo hindise sharciyeedyo badan oo horyaala.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad u jeedin doono Xildhibaanada Baarlamaanka, wuxuuna khudbadiisa ku muujin doonaa sida ay Dowladdu ula tacaaleyso, weerarada kaga imaanaaya nabadiidka.

Si kastaba ha-ahaatee haddii uu baaqdo qorshaha maanta lagu doonaayo in lagu soo xiro fadhiga 4-aad ee Baarlamaanka, ayaa waxaa la filayaa in la soo xiro, ka hor inta aan la gaarin maalinimada Jimcaha.

HALKAAN KA DHAGEYSO XILDHIBAAN BOQORE OO KA HADLAYA.