Dhageyso: Khaliif Cabdisamad Madaxa arrimaha bulshada Caabudwaaq” Maamulku Ciidan Rasmi Ah Ma Lahan, Wayna Adagtahay Inaan Kaligeen Joojino Colaada”

0

Caabudwaaq (AGGM)  khaliif Cabdisamad Madaxa arrimaha bulshada degmada Caabudwaaq ayaa sheegay in maamulkoodu uusan awood u lahayn in dagaalka uu joojiyo balse waxa uu tilmaamay inay waddaan dadaal xoogan oo middeysan, kaasoo ay qeyb ka yihiin guurtida iyo waxgaradka degmadaas.

Maleeshiyo hubaysan oo ka soo kala jeeda laba jifo oo walaalo ah ayaa maanta ku dagaalamay degmada Caabudwaaq ee woqooyiga gobolka Galgaduud.

Madaxa arrimaha bulshada ee degmada Caabudwaaq khaliif Cabdisamad ayaa cambaareyey dagaalada wuxuuna sheegay in aana la fududeysan colaadaas ahliga, wuxuuna ku baaqay in cid walba oo gacan ka gaysan karto ay kala qeybqaadato.

Dagaalka ayaa ku soo beegmay xili ay soconayeen kulamo la doonayay in lagu soo afmeero colaada iyo sheegashooyin labadan jilib ee walaalaha ah.

Halkaan ka dhageyso wareysiga Khaliif Cabdisamad

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com