DHAGEYSO:- Maamulka gobalka Banaadir oo Sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan dilkii Xildhibaan Saado

0

Afhayeenka maamulka Gobalka Banaadir Cali Maxamuud Faarax Seeko oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay haatan socdaan baaritaano ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii ka danbeeyay dilkii loo geestay xildhibaan saacdo cali warsame oo ka tirsaneed baarlamaanka Soomaaliya.

Cali Maxamuud faarax ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in maamulka gobalka uu haatan wado qorshe gaar ah oo loogu talagalay in amaanka caasimada lagu sugo.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca dilal qorshaysan iyo falal ka soo horjeeda amaanka oo ay masuuliyadooda ay sheegtaan Al-Shabaab.