Dhageyso:-Maamulka gobolka Banaadir” Halaga qeyb qaato dhismaha xaruntii hore ee gobolka

0

Muqdisho, AGGM: Masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada u jeediyey in laga qeyb qaato dhisida xaruntii dowlada hoose ee loo yaqaan UFFICIO GOVERNO oo aheyd xaruntii ugu horeysay ee gobolka Banaadir.

Hadalkan waxa uu yimid markii dhawaantan maamulka gobolku uu dhib u dhis ku bilaabay xarunta, waxaana maanta masuuliyiinta gobolka lagu wareejiyey deew loogu talo galay in qeyb ay ka noqoto dhismaha iyo dayactirka xarunta.

Waxaa kahadlay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cali Maxamuud Faarax “Seko”, oo bulshada ku bogaadiyey in dib u dhiska dalka laga qeyb qaato.

Halkan Ka dhageyso