Dhageyso: Maleeshiyada Raaskambooni Oo Dad U Badan Shacab Ku Xir Xiray Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo, AGGM: Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ayaa Xalay ilaa Saaka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ka sameeyey Baaritaano Dad badan lagu soo qab qabtay.

Maleeshiyada Raaskambooni Ammniyaadkooda ayaa Saaka lagu Arkayaa,iyagoo Baaritano ka wada Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dadka lagu soo qab qabtay Howlgalka ayaa la sheegay in la dhigay Xabsiga Dhexe ee Magaalada Kismaayo,kuwaas oo halkaa lagu kala saarayo oo Cidii danbi lagu helo lahaynayo kuwii aan lagu helina la siideeynayo.

Horjoogeyaasha maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ayaa dhawaan Shaaciyey in uu u diyaar garoobay dagaal uu ku qaado Goobaha ay Al-shabaab kaga sugan yihiin Gobolada Jubbooyinka si loo soo celiyo Amaanka Goboladaasi.

Isku soo wada duuboo horjoogeyaasha iyo maleeshiyada Raaskambooni ayaa waxaa lagu eedeeyay inay dadka si sharci daro ah uga soo qab qabtaan gudaha magaalada Kismaayo kadibna ay lacago baad ah ka qaataan si ay xoriyadooda dib ugu helaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com