Dhageyso: Miinooyin Laga Soo Qufayo Waddooyinka Madaxtooyada, Dekada Iyo Aariboorka Kismaayo

0

Kismaayo (AGGM) Ciidamada Kenya ee jooga Kismaayo iyo kuwa kale ee Siraliyoon ayaa waxaa shalay ilaa maanta u soo baxay howl weyn kaddibmarkii ay heleen xog ku aadan in miinooyin lagu aasay waddooyin muhiim ah oo ku yaalla magaalada kismaayo.

Ciidamadaas ayaa billaabay baaritaano miino baaris ah oo ay ku sameeyaan qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada kismaayo iyagoo ka soo saaray miinooyin farabadan illaa hadana ay wali socoto.

Waxaa hakad galay howlihii mid kamid waddooyinka waaweyn ee magaalada, iyadoo la sheegayo in miinooyinkaas waddooyinka la geliyey goor aan sidaas u fogeyn.

Amaanka magaalada Kismaayo ayaa qaata laga taaganyahay, waxaa jirta in ciidamada Kenya ay ka walaacsanyihiin in saaxiibadood Raaskambooni haddii ay sidaas ku sii socdaan ay Kismaayo isu badeli doonto goob laga kala guuray.

Halkaan ka dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com