Dhageyso: Raaskambooni Oo Kala Carar Uu Ku Dhacay Tan Iyo Markii Waftigii Yurup Ay Booqdeen Kismaayo

0

Kismaayo (AGGM) Tan iyo markii 22kii bishaan ay magaalada Kismaayo saacado kooban ay booqasho ku tageen magaalada Kismaayo wafdi ka socday Midowga Yurub , kaasoo uu hoggaaminayy danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mudane Michele Cervone.

Waftigan ayaa Raaskambooni ku canaantay sida ay isaga indha tirayaan  dib u heshiisiinta, iyo in dhaqaalle aan la siin doonin haddii aysan u hoggaansamin waddada dib u heshiisiinta ee lagu balamay.

Kulankan oo qaatay saacado ayaa waxaa uu ka dhacay garoonka diyaaradaha Kismaayo maadaama aysan amaan ahayn magaalada Kismaayo.

Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mudane Michele Cervone ayaa hadalkaan si cad uga sheegay saxaafada horteeda. Halkaan ka dhageyso.

Halkaan ka dhageyso horjoogaha labaad ee Raaskambooni Fartaag oo isaguna afka furtay

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com