Dhageyso:-Shacabka Muqdisho oo wadooyinka loo xiro kulamada madaxda dowlada culeys kamuujiyey

0

Muqdisho, AGGM:Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa culeys kala kulma ciidanka dowlada Soomaaliya markii ay kulamo leeyihiin madaxda dowlada, gaar ahaana marka uu jiro kulamo ay leeyihiin xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Ciidanka ayaa xira wadooyinka muhiimka u ah bulshada, iyaga oo dadka iyo gaadiidkaba u diida in ay isticmaalaan, waxaana mararka qaar ciidamadu dadka ay u adeegsadaan rasaas markii muran la xiriira marista wadooyinkaasi uu yimaado.

Hadaba Wariyaheena Maxamed Abuukar Dabaashe ayaa warbixinta inooga diyaariyey.

Halkan ka dhageyso