DHAGEYSO:- Sheekh Bashiir Maxamed Salaad “Al-Shabaab waxay beegsanayaan dadka ayaga oo dukanaya”

0

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Culimadda Soomaaliya ayaa ka hadlay falalka dilalka ah ee Al-Shabaab ay ka geysanayaan Magaalada Muqdisho, xilli Al-Shabaab ay kordhiyeen weerarada iyo dilalka ay ka geysanayaan caasimada.

Isaga oo la hadlaye Idaacada VOA laanteeda afka Soomaaliga Sheekh Bashiir, wuxuu gabi ahaanba ku tilmaamay dilalka iyo dhibaatooyinka ay ka geysanayaan Al-Shabaab Magaalada Muqdisho inay tahay mid xaaraan ah oo kaliya ay tahay inay umadda Islaamka ee sooman ay dhibaan.

Wuxuu kaloo Sheikh Bashiir Axmed Salaad sheegay in Al-Shabaab ay baneysteen wax waliba uu Allah uu sheegay inay wanaagsan tahay in la dhowro oo la xurmeeyo.

“Nimankaan waxa ay baneysteen wax waliba oo Ilaaheey uu yiri hala xurmeeyo oo hala dhowro, Waxa ay dadka ku dilayaan Masaajida, Odayaasha waa weyn ayeey leynayaan, intaas oo dhana Diinteena Islaamka ayaa nagu fartay inaan dhowrno weliba Bisha Barakaysan ee Ramadaan.” ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Sheekha ayaa la weydiiyay su’aal aheyd majiraa cudur daar ku aadan in Bisha Ramadaan la kordhiyo weerarada iyo dilalka ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho, waxaana Sheekh Bashiir uu ku jawaabay in Daadinta dhiiga qofka Islaamka ay tahay mid qalad ah, iskabadaa in Bisha Ramadaan oo ah Bil Kheyr badan la baneysto dhiiga Umadda Islaamka.

Wuxuu tusaale usoo qaatay inay isku dhaqan yihiin Al-Shabaab iyo koox ka dagaalanta Dalka Yemen oo marwlaiba sheegta inay la dagaalamayaan Yuhuuda iyo Mareykanka, balse dadka ay laynayaan ay tahay Shacabka reer Yemen, isaga oo taasi ku micneeyay in Al-Shabaab hada ay yihiin kuwa laynaya kaliya dadka Maatida ee Soomaalida, balse aysan ujeedin ciidamada Amisom.

Al-Shabaab ayaa Bisha Barakeysan ee Ramadaan waxa ay kol hore ku dhawaaqeen inay kordhinayaan Dagaalada iyo dilalka ay ka geysanayaan Muqdisho, waxaana tan iyo markii Bisha Ramadaan ay dhalatay ay Muqdisho ku dileen in ka badan 60 qof.