DHAGEYSO:- Sheekh Ibraahim Guureeye”Dowlada waan ka taageeraynaa dhisida maamulka Mudug iyo Galgaduud”

0

Gudoomiyaha Sadaxda gole ee Ahlu Suna Sheekh Ibraahim Xasan Guureeye ayaa wuxuu sheegay in Ahlu Suna ay dowlada kala shaqaynayso sidii loo dhameestiri lahaa maamulka loo samaynayo gobalada dhexe ee dalka.

Wuxuu tilmaamay maamulkaan inuu yahay mid loo baahanyahay in la sameesto oo waliba leesku raaco.

Dhanka kale heshiiskaan ayaa waxaa laga soo dhoweeyay sida la sheegayo degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud iyadoo dhanka magaalada Cadaado wali laga diidanyahay.