DHAGEYSO:- Siyaasiyiin Lagu Eedeeyay In Ay Hurinayaan Dagaalada Sh.Hoose

0

Siyaasiyiin la sheegay inay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho, ayaa lagu eedeeyay inay hurinayaan colaada ka taagan Gobalka Shabeelaha hoose.

Eedeyntaan ayaa waxa ay kasoo yeertay Ugaas Cali Xaashi oo kamid ah Odayaasha mid kamid ah Beelaha ku dagaalamaya Gobalka Shabeelaha hoose, wuxuuna sheegay in Siyaasiyiintaasi ay yihiin kuwa doonaya mansab Siyaasadeed inay ku gaaraan dagaalada Shabeelaha hoose.

Ugu dambeyn dadka Shabeelaha hoose ku nool, ayaa wuxuu ugu baaqay inay joojiyaan dagaalada oo ay ka shaqeeyaan nabadda iyo horumarka Gobalkaasi, wuxuuna dadka reer Shabeelaha hoose ku tilmaamay kuwa jecel nabadda oo beeraleey ah dagaalna aan aqoon.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr mar guddi udirtay Gobalka Shabeelaha hoose si loo xaliyo dagaalada Gobalkaasi ka taagan, balse ilaa hada ma muuqato natiijo rasmi ah oo laga gaaray xalka Dagaalada.