DHAGEYSO:- Taliyaha ciidanka xooga dalka oo eedeyn u jeediyay AMISOM

0

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka General Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe), ayaa waxa uu Taliska Midowga Afrika ee Somaliya uu ku eedeeyay, in uu dhankoodu gaabis kaga yimid gulufyadii ka dhanka ahaa Al Shabaab.

Taliyaha waxa uu sheegay in Ciidanka Xooga Dalka ay markasta diyaar u yihiin gulufyada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, balse ay mushkiladu ka jirto dhinaca Xoogaga Midowga Afrika.

Waxa uu intaa ku daray in joojinta dagaalada ka dhanka ah Al Shabaab, uu yahay waxa keenaaya in uu hakad ku yimaado, gulufyadii Shabaabka looga saaraayay Deegaanada ay dalka kaga sugan tahay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Dallada Amisom ay ka kooban tahay dalal badan, oo aynaan ka wada imaan hal dal oo qura, isla-markaana ay jirto xifaaltan kala duwan oo dhexdooda ah, ayna arrimahaasi keenayaan hakadka ku imaanaaya hawlgalada.

General Daahir Aadan Cilmi, ayaa intaa ku daray in dalalka Amisom ay markasta ka qaylo dhaaminayaan dhinaca qalabka, oo ay ku andacoonayaan inaanay ku filnayn, haddii hawlgalada la sii wadi lahaa.

General Indha-qarshe oo wareysi gaar ah siiyay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa waxa uu qabaa inaanay wanaagsanayn in hakad la geliyo gulufyada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab.