Dhageyso: Wasiir ku-xigeenka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga Raaskambooni Oo Weerar Lagu Qaarajin Lahaa Ka Badbaaday

0

Kismaayo (AGGM) Cabdi Xuseen Cali oo nin koox beeleedka Raaskambooni ugu magacaaban wasiir ku-xigeenka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ayaa ka badbaaday weerar bambaano gacanta laga tuura ahaa oo lagu qaaday hoygiisa oo ku yaalla xaafada Farjano ee magaalada Kismaayo.

Ma jirto cid wax ku noqotay weerarkaas balse waxaa la soo dheegayaa in horjoogaha Raaskambooni ee weerarkaas lala damacsanaa Cabdi Xuseen Cali uu si dirqi ah uga badbaaday.

Qof ehel la ah Cabdi Xuseen Cali ayaa AGGM u sheegay in uu haatan gurigiisii isaga cararay oo uu ku sugan saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin Kismaayo.

Amniga magaalada Kismaayo ayaa faraha ka baxay, waxaana maalin walba ugu yaraan ka dhaca dhawr qarax iyo weeraro joogto ah oo gudaha magaalada ay ku soo qaadaan ciidamo ka tirsan kuwa Alshabaab.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii nin isku xiray waxyaalo qarxa ayaa isku miidaamiyey guriga Iftiin Xasan Baasto oo ah.

Halkaan ka dhageyso weerarka uu ka badbaaday Cabdi Xuseen Cali wasiir ku-xigeenka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ee Raaskambooni

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com