DHAGEYSO:- Wasiirka Arimaha dibada oo ka hadlaya Safaaradihii dibada oo la soo yareeyay

0

Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada iyo Dhiira gelinta Maalgeshiga ee Xukuumada Somaaliya C/raxmaan Ducaale beyle ayaa ka hadlay Sababta keentay in Safaaradaha Soomaaliya ee dibada ku yaallo la yareeyo, waxa uuna taasi ku micneeyay in dhaqaalo xumo darted loo yareyay.

 

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in yareyn iyo dib u habeyn lagu sameeyay Qaadashada Baasaboorka Diblomaasiga.

 

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Arimaha dibada ayaa sheegay in tayayn lagu sameeyo Safaaradaha Soomaaliya ee Dibada ku yaallo ay tahay Muhiim ayna soo laabaneyso xiriirka dhabta ah ee Caalamka iyo midka Diblomaasiyadeed ay Soomaaliya la wadaagto Aduunka.

 

 

Shir deg deg ah oo ay isugu yimaaden Golaha Wasiirada ayaa lagu ogolaaday in safaaradaha Soomaaliya ee dibedda  ku yaallo tiradooda lagu soo koobo 31 safaaradood waxayna Arrintaani ay ku soo aadeysaa iyadoo todobaadkii hore la Ansixiyey Sharciga maamulllidda Baasaboorka Diblomaasiga oo ay wasaaradda Arrimaha Dibedda soo gudbisay.