Dhageyso: Weeraro Diyaaradeed Oo Mar Kale Ka Dhacay Jilib

0

Jubada Hoose (AGGM)  Wararka naga soo gaaraya magaalada Jilib ayaa ku soo warramaya in duqeymo diyaaradeed oo aan wax  khasaare ah gaysan ay halkaas u gaysteen labo diyaaradood.

Sida ay noogu warrameen ilo ku sugan deegaanka uu weerarka ka dhacay ayaa sheegaya in ay arkeen Alshabaab oo iska caabinaya weerarkaas, kuwaasoo u adeegsaday hubka lidka diyaaradaha.

Weerarkaas diyaaradaha ay soo qaadeen ayaa waxaa la rumeysan inuu qeyb ka yahay diyaarado Kenyaan ah oo muddooyinkan goboladaas weeraro ka gaysanayay.

Suldaan Cabdullaahi Xalane Faarax oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarada noocaan ay yihiin weerarkii 9aad ee lagu soo qaado degmada Jilib, tannoo uu sheegay in ay qalqal ku abuurtay dadka rayidka ah.

Halkaan ka dhageyso Suldaan Cabdullaahi Xalane Faarax

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com