Dhageyso Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan “ Magacaabista Taliyayaasha Ciidamada Waxba Kama Badelin Amniga Muqdisho”

0

Muqdisho(AGGM) Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in xildhibaanada baarlamaanka lagu sii beegsado Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dayac badan ay dawladu u gaysatay xildhibaanada Soomaaliyeed iyadoo uu sheegay in dawlada ay ku fashilantahay hagida nabadgelyada dalka.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan ayaa tilmaamay in guul daro ay tahay in dawlada xittaa ay sugi la’dahay sugida nabadgelyada xildhibaanada.

Shalay ayay ahayd markii xildhibaanadii ugu dambeysay lagu dilay magaalada Muqdisho Allaha u naxariistee Xildhibaan, fanaanad Saado Cali Warsame.

Halkaan ka dhageyso Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com