Dhageyso: Xildhibaan Nuur Faarax Baadiye” Ciddii Nabada Caabudwaaq Diida Meel Halooga Soo Wada Jeesto”

0

Caabudwaaq(AGGM) Xildhibaan Nuur Faarax Baadiye ayaa markii ugu horeysay si kulul uga hadlay dagaalada Caabudwaaq ee soo laalaabtay, isagoo ka warbixiyey safarkooda nabad raadinta ah ee ay ku joogaan magaalada Caabudwaaq.

Xildhibaan Nuur Baadiye ayaa sheegay in ay wax laga xumaado tahay in labo beelood oo walaalo ah oo hal meel ah ka soo wada baxay ay dagaalamaan, isagoo xusay in xiligan deegaanada dariska la ah caabudwaaq uu hormar ka socdo halka caabudwaaqna ay tacsi taallo.

Xildhibaan Nuur Baadiye ayaa yiri ” Ma Ahan Wax Loo Dulqaadan Karo Halka Deegaanada Dariska La Ah Caabudwaaq Ay Horumar Ka Socdaan, In Caabudwaaqna Ay Taallo Qax, Oohin IyoTacsi”

Xildhibaan Baadiye ayaa ku eedeeyay in colaada caabudwaaq ay masuul ka yihiin inay soo noqnoqoto dad yar oo uu ku sheegay inay yihiin wax ma garad.

” Waxaa Xal Loo Gaari La’yahay Dad Yar Oo Wax Magarad Ah, Reer Caabudwaaq Intooda Badan Nabad Ayay Jecelyihiin”  ayuu yiri.

Xildhibaan Nuur Baadiye ayaa diray baaq guubaabo ah, isagoo sheegay in colaada la joojiyo, lagana waantoobo wax walba oo dhibaato u gaysanaya walaaleynta iyo midnimada umada Caabudwaaq.

Halkaan Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaan Nuur Faarax Baadiye Oo Ay Idiin Soo Gudbinayso AGGM

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com