Dhageyso: Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac”Qorshe Ayaan Ka Wadnaa Inaysan Soo Laaban Wixii Caabudwaaq Ka Dhacay”

0

Caabudwaaq (AGGM) Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac Baadiye ayaa sheegay war farxad leh kaddibmarkii maanta oo Ciid u ah umada Caabudwaaq uu ugu bishaareeyay inay gaareen guushii ugu horeysay colaadii u dhaxaysay beelaha wada dhashay ee Caabudwaaq ku dagaalamay.

Mudanayaal uu kamid ah Baadiye ayaa Caabudwaaq ku sugnaa tan iyo asbuucan bilawgiisii, si ay nabad waarta uga dhaliyaan xiisadii yaraa ee dhex maray dadka walaalaha ah.

Nuur Faarax Jaamac ayaa sheegay in ay ku guulaysteen inay xaqiijiyaan inaysan rasaas dambe dhicin.

Xildhibaan Nuur Faarax ayaa yiri ”Beelaha Way Naga Ogolaadeen Inay Colaada Joojiyaan, Soo Fariistaan, Wadahalna Ay Ku Dhameeyaan Wixii Dhacay”

Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac Baadiye ayaa sheegay inaysan sidaas uga haraynin xaalada oo ay doonayaan in iyagoo kaashanaya odayaasha ay hal meel ah uga soo wada jeestaan inaysan dhicin dhib kale ayna odayaashu nabada Caabudwaaq gacanta ku hayan.

”Qorshe Ayaan Ka Wadnaa Inaysan Soo Laaban Wixii Caabudwaaq Ka Dhacay”  ayuu yiri xildhibaanku

Halkaan ka dhageyso Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com