Dhageyso: Yuusuf Kaanti” Dadka Magaalooyinka Ayay Soo Galayaan Abaar Darteed”

0

Beledxaawo(AGGM) Yuusuf Kaanti  oo ah guddoomiyaha KMG ah ee maamulka degmada  Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in abaar ba’an ay ka taagantahay degmada Beledxaawo iyo naxaawigeeda.

Yuusuf Kaanti ayaa sheegay in abaarta ay saamaysay xoolo iyo dadba, iyadoo uu tilmaamay in deegaanada miyiga ay yihiin kuwa haatan ugu sii daran.

Yuusuf Kaanti ayaa yiri ” Dadka Magaalooyinka Ayay Soo Galayaan Abaar Darteed”

Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee degmada Beledxaawo ayaa ka codsaday jaaliyadaha iyo hay’addaha samafalka inay kaalmo bina’aadanimo la soo gaaran umada ay abaaruhu ku dhufteen.

Halkaan Ka Dhageyso Yuusuf Kaanti

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com