Dhageyso:Ugaaska Guud Ee Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi Oo Ka Hadlay Shirka Dib U Heshiisiinta Jubbooyinka Iyo Xaalada Gobolka Gedo.

0

Balad Xaawo, AGGM:Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi ayaa kahadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin shirka dhawantan lasheegay inuu kafurmayo kismaayo ee beelaha gobolka sida lasheegay loo qabanayo, aragtida uu beeshu ay ka qabto maleeshiyada Raaskambooni, iyo xaalada guud ee gobolka Gedo oo uu iminka kusugan yahay.

Ugaaska ayaa kuhormaray aragtida beesha ee maleeshiyada Raaskambooni, waxaana uu ku tilmaamay in maleeshiyadaasi ay sameysteen dowladu aan ka shaqeynin jiritaanka iyo midnimada umada Soomaaliyeed gaar ahaana beelaha dega gobolada Jubooyinka.

Waxa uu soo hadal qaaday Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi shir lasheegay in loo qabanayo beelaha gobolada Jubooyinka oo Kismaayo ka furmaya, waxaana uu soo jeediyey in arintaasi go,aankeeda ay u taalo beesha oo idil meel waliba oo ay joogaan.

Xaalada gobolka Gedo ayuu ugu dambeyn ku tilmaamay Ugaasku in haatan uu kajiro xaalad nolol xumo oo aad u liidata waxaana uu u jeediyey cid waliba oo awooda in ay ka qeyb qaadato u gar gaarida dadka danta yare e gobolka Gedo kunool.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com