Dhageyso:Ugaaska Guud Ee Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi Oo Ku Baaqay In Si Deg Deg Ah Loo Joojiyo Colaada Magaalada Caabudwaaq, Waxii Khilaaf Ahna Wadahadal Lagu Dhameeyo.

0

Balad Xaawo, AGGM:Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo ah Ugaaska Guud ee Beesha Sade oo wareysi gaar ah siiyey Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah eek u dagalamaya degmada Caabud Waaq ee gobolka Galgaduud.

Ugaaska ayaa sheegay in Beesha Sade aaney dhaqan u laheyn dagaal daba dheeraada, waxaana sidaasi daraadeed uu ku taliyey in sida ugu dhaqsiyaha badan colaada loo joojiyo si dhiig dambe aanu u daadan.

Waxgaradka iyo cuqaasha kusugan deegaanka ayuu u jeediyey Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi in ay u istaagaan sidii loo hakin lahaa dirirta waxaana uu ku cel celiyey in beesha Sade dagaal maalin kabadan uusan dhex marin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com