Dhalinyaro La Baxday Boko Xaaraam Oo Beledxaawo Lagu Xiray

0

Beledxaawo(AGGM) Taliyaha amaanka degmada Beledxaawo Sheekh Ismaaciil Koofi ayaa sheegay in gacanta ku dhigeen dhalinyaro  la magacbaxay  magaca Boko Xaaraam, kuwaasoo  falal amninga lagu qalqalgelinayo ka waday degmadaas.

Taliyaha ayaa sheegay tirade dhalinyarada ay qabteen ay gaarayso ilaa 24, wuxuuna sheegay in dhamaan ay yihiin dhalinyarada ciyaalka xaafada oo uu tilmaamay inay ay xiliga habeenkii ah ay falalkaas gaysanayeen.

Boko Xaaraam ayaa ah koox argagixiso ah oo sida Alshabaab oo kale ah, taasoo dilal iyo qaraxyo waxyeelo badan ka gaysta wadanka Nigeria. Laakiinse dhalinyaradaan ayaa magaca u qaatay si dheeldheel ah iyagoo falalka kooxdaas ka shidaal qaadanaya.

Koofi ayaa  waalidiinta dhalay u sheegay in loo baahanyahay in carruurtooda ay la socdaan xiliyada habeenkii ah oo uu sheegay in haddii kale ay gacan adag ku qaban doonaan.

Wax xiriir ah lama lahan dhalinyaradan kooxda  Alshabaab, waxaana la rumeysan in ay yihiin dhalinyaro waxbarasho iyo shaqooyin u baahnaa balse aana helin fursadahaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com