Dhuxuloow Oo La Ciiday Barakacayaal

0

Muqdisho(AGGM) Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow wasiirka warfaafinta Soomaaliya  ayaa salaaddii ciidda kadib si lama filaan ah ku booqday xero ay deganyihiin dad barakacayaal ah gudaha magaalada Muqdisho.

Wasiir Dhuxuloow ayaa sheegay in booqashadiisa ay la xiriirto u kuurgalid xaalada ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah, isagoo lacago halkaas ku guddoonsiiyay qaar kamid ah qoysaskaas.

Mustaf Dhuxuloow ayaa dhexgalay caruurta iyo dadkii kale ee xeradaas oo ku taalla degmada Boondheere, isagoo kala hadlay noloshooda, una gudbiyey hambalyada ciida.

Wasiirka ayaa sidoo kale socdaal ku soo maray taallada Daljirka dahsoon halkaaso uu kula kulmay dhalinyaro uguna hambalyeey farxadda ciidda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com