Diyaarad Laga Leeyahay Aljeeriya Oo Burburtay

0

Algiers (AGGM) Warar aanu ka helayno magaalada Algiers ee caasimada Aljeeriya ayaa sheegay in goor dhaw uun la ogaaday diyaarad la waayay in ay burburtay.

Diyaaradan oo saaka ka soo duushay magaalada Ouagadougou ee dalka Burkina Faso ayaa waxaa ay siday 110 sida uu sheegay sarkaal Aljeeriyaan ah.

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in diyaarad ay ka baxdo raadaarka balse waxaa la rumeysanyahay in ay la kulantay dabeylo hawada sare xiliga ay duulimaadka ku jirtay.

Diyaarada ayaa waxaa rakaabka saarnaa kamid ah 50 Faransiis ah, 24 Burkinafaso u dhashay, Sideed qof oo Lubnaaniyiin ah, Afar Aljeeriyaan ah, Labo qof oo u dhashay Luxembourg, Mid Beljim u dhashay, Qof Swizerlan ah, mid Nigerian ah, Qof u dhashay Cameroon iyo labo oo u kala dhashay  Ukrain iyo Romaaniya.

Shilkaas ayaa noqonaya shilkii saddeexaad ee noociisa ah ee sanadkaan ku yimaada diyaarado rakaab, iyadoo sanadkaan horaantiisii muddo 4bilood gudahood ah shilal dad badani ay ku dhinteen ay la kulantay shirkada diyaaradaha ee Malaysian Airlines.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com