Dowladda oo ku hanjabtay in Al-Shabaab loo dilaayo sida ay dadka u dilaan

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku goodisay in dhalinyarada ka tirsan Al-Shabaab ee dilalka ka geysta Magaalada Muqdisho loola dhaqmayo sida ay wax udilaan, hada kadibna ay dhamaatay dhaqankii hore ee ay Dowladda ula dhaqmi jirtay xubnaha Al-Shabaab ka tirsan.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa fariin hanjabaad ah u diray Dhalinyarada kamidka ah Al-Shabaab, waxaana uu ugu goodiyay in Dowladda aysan dhaafi doonin ninkii Al-Shabaab ah oo la qabto.

Wuxuu afhayeenka sheegay in sida ay dadka u dilayaan loo dilaayo Al-Shabaab oo nin waliba oo Al-Shabaab ka tirsan meesha uu qof ku dilo isagana lagu dilayo, maadaama dhaqankooda uu sidaasi yahay.

“Waa dhamaatay wixii hore nimankaan sida ay wax udilayaan oo ay udhaqmayaan ayaa loola dhaqmayaa wax badan bay Dowladda fursad siisay Al-Shabaab dhalinyarada ku jira oo kasoo baxa la dhahay laakiin waa ay diideen”Ayuu yiri Afhayeenka Wasaarada Amniga dalka.

Dhalinyarada ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa toogta raga ku jira Dowladda waxa ayna amniyaadka Al-Shabaab u dhaqmaan si naxariis la’aan ah oo ay u toogtaan xubnaha ay ku eedeynayaan inay Dowladda la shaqeeyaan.

Shalay ayeey aheyd markii Suuqa Bakaaraha gaar ahaan Nawaaxiga Shirkada Nationlink lagu toogtay labo nin oo Amniyaadka Al-Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo dilay Askari kamid ah ciidamada Nabadsugida qeybta Ruuxaanta, waxaana ciidamada Ruuxaanta u suuragashay inay dilaan labadii nin ee Askarigaasi dilay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dar-dargelisay tallaabooyinka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo bartilmaameedka ay ku hayso Xubnaha Al-Shabaab ka tirsan ee Muqdisho ku dhuumaaleysta.