FAAH FAAHIN:- Gudoomiyihii Ciyaaraha degmada Boondheere oo la toogtay

0

Kooxo hubaysan ayaa shalay oo Jimco aheyd waxa ay Degmada Boondheere ku toogteen Guddoomiyihii Sportiga Degmadaasi, xilli uu ku sugnaa goob ganacsi oo uu isaga lahaa.
Shaqsiga la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jira Jaamac Maxamed Muudeey, waxaana lagu toogtay meel ku dhaw Xarunta Degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir.

Kooxihii ka dambeeyay dilka ayaa goobta ka baxsaday, mana aysan suuragelin in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Degmadaasi ay gacanta ku dhigaan.

Jaamac Maxamed Muudeey ayaa wuxuu mar soo noqday Guddoomiyihii Kubadda Kolayga Gobalka Banaadir.

Dilalka qorsheysan ayaa ku soo badanaya Magaalada Muqdisho, waxaana dilka maanta ka dhacay Degmada Boondheere uu kusoo aadayaa, xilli shalay Wasaarada Amniga Qaranka Soomaaliya ay soo bandhigtay qorshooyin cusub oo ammaanka caasimada lagu xaqiijinayo.

Tan iyo Biloowga Bisha Ramadaan, waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay dad gaaraya 70-ruux.