Faroole”Arimo siyaasadeed ayaa loo dilay xildhibaanad Saado

0

Madaxwaynihii hore ee dowladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole oo maanta lahadlay warbaahinta puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dilkii shalay magalada Muqdisho loogu gaystay Xildhibaan Saado Cali Warsame.

Dr.Farole ayaa tacsi u diray ehelkii iyo dadka Soomaaliyeed ay Saado Cali Warsame ka geeriyooday wuxuna sheegay inay ahayd qof qiimo umada Soomaaliyeed ku dhex leh kana hadasha waxyaabaha u baahan in dadka loosoo bandhigo.

”Aad iyo aad baan u cambaraynayaa dilka Xildhibaan Saado CalI Warsame,dilkan waxa weeye mid lagu bur burinayo jiritaanka umadda Soomaaliyeed iyo isku soo noqoshadeeda” Mudane Farole oo sii hadlaya ayaa sheegay dilka maalin Ramadaan loo gaystay inuu yahay mid siyaasadaysan oo aan caadi ahayn waana mid lagu doonayo inaysan Soomaali sii jirin”

Saado Cali Warsame ayaa aheyd fanaanad Soomaaliyeed, waxaana shalay maalin lagu dilay magaalada muqdisho iyadoo maantana lagu aasay Muqdisho