Gaafow”Laanta socdaalka iyo jinsiyadaha howlo muhiim ah ayey soo kordhisay

0

Taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Generaal C/laahi Gaafow Maxamuud oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta cusub ee laanta socdaalka iyo jisiyadaha ayaa waxaa uu faah-faahin ka bixiyay isbedel lagu sameeyay sameynta baasaboorka Soomaaliga ah iyo qalab cusub oo lagu soo kordhiyay laanta.

Gaafoow waxaa uu sheegay in meelaha hada la gaarsiiyay bixinta Baasaboorka Soomaaliga ah ay qeyb ka tahay magaaladda Garoowe halkaasi oo uu sheegay in dad kun qof kor u dhaafaya ay Baasaboorka qaateen,waxaana dhinaca kale uu tilmaamay in qalab casri ah oo amaanka lagu xaqiijiyo xarunta weyn ee ku taala magaalada Muqdisho  lagu soo kordhiyay.

Taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha  ayaa tilmaamay inay ku guuleysteen in  dalka Malesiya laga hirgeliyo meel dadka Soomaalida ah ee halkaasi ku sugan ay ka heli karaan baasaboorka Soomaaliga ah sidoo kalana gobolada Jubooyinka dadka degan  ayuu sheegay in xarun cusub looga furay magaalada Kismaayo maadaama ay ku dheertahay inay soo aadaan magaalada Muqdisho.

laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee Soomaaliya ayaa dhawaan waxa ay kasoo guurta xarunteedii hore oo ku taalay agagaarka Airporka caalamiga ah ee magaaladda Muqdisho iyadoo hadda xarun cusub ka sameysatay dhismaha guriga shaqaalaha ee wadada Maka Al-Mukarama halkaasoo ay howl balaaran ka socoto.