Dhageyso: Gaari Qarax Lagu Rakibay Oo Ku Fashilmay Xeebta Liido

0

Muqdisho (AGGM) Sida uu saxaafada u xaqiijiyey gudoomiyaha degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho Cusmaan Muxudiin Cali waxaa maanta xeebta Liido lagu arkay gaari walxaha qarxa lagu xiray. Ma qarxin gaari, mana jirin sidaas darted cid ay dhibaato gaartay.

Gaari  ayaa la sheegay inuu ahaa nooca raaxa oo uu lahaa qof shacab ah, qofkii gaari lahaa ayaa kamid ah boqolaal qof oo maanta ciida darted ugu damaashaadaysay xeebta Liido. Maxamed Yuusuf Afhayeenka wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxa la doonayay in lagu dilo qofkii lahaa gaariga walxahaas lagu xiray.

Muqdisho ayaa maalmahan ciida yara deganayd oo aysan jirin wax dhibaato weyn oo ka dhacday. Cusmaan Muxudiin Cali  ayaa sheegay in qaraxa uu fashilmay.

Sidan oo kale todobaadkii hore waxaa la fashilyey qarax noocan oo kale ah oo lagu rakibay gaari uu lahaa weriye Maxamed C/llaahi Xaaji oo ka tirsan warbaahinta dawlada, inkastoo gaarigii uu burburay balse wax dhib ma soo gaarin weriyihii loola gol-lahaa.

Halkaan ka dhageyso Maxamed Yuusuf Cusmaan oo Warbaahinta kula Hadlay Xeebta Liido

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com