Gaas” Askartii dhimatay wan u tacsiyeynayaa kuwa dhaawacmayna wan ku dadaaleynaa baxnaanintooda

0

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali ayaa maanta booqday isbitaalka weyn ee magalada Garowe oo la geeyay afar iyo toban Askari oo ku dhaawacmay gaari ciidan oo saakay ku qalibmay meel u dhow xarunta QM ay ku lee dahay Garowe.

Sarkaalka madaxda u ah ciidamadaan G/sare Jimcaale oo la hadlay warbaahinta Puntlad ayaa sheegey in dhimashada intaas ka badan karto iyadoo dhaawacyada Askarta soo gaarey culsuyihiin.

Madaxwayne Gaas oo booqday Askarta dhaawacantay ayaa marka hore alle uga baryay inuu caafimaad deg deg ah siiyo isagoo sheegay in ay lasocon doonaan xaaladooda.

Dr.Gaas ayaa amray in dibadda loo qaado Askarta dhaawacooda dalka waxba looga qaban waayo wuxuna sidoo kale fariin tacsi ah u diray dadkii ay ka geeriyooday saddexda Askari isagoona alle uga baryay inuu Janatul fardowso ka waraabiyo.

Deegaanada Puntland waxaa marar badan kadhacay shilal gaari oo ay wax ku noqdeen dad ay kamid yihiin ciidamo katirsan maamulka Puntland.

Guddi wasiiro ah ayaa loo saaray sidii ay xal ugu raadin lahaayeen shilalka gaadiidka.