Guddoomiyaha Saddexda  Gole Ee Ahlu Sunna Sheekh Ibraahim Guureeye” Xalku Wuxuu Ku Jiraa Wadahal”

0

Dhuusamareeb (AGGM) Iyadoo ay AGGM ku soo qulqulayaan baaqyada nabada eek u aadan dhinacyadii dhalay ku dagaalamay magaalada Caabudwaaq ayaa waxaa isna dhiniciisa baaq deg deg ah ka soo saaray colaadaas Guddoomiyaha saddexda  gole ee maamulka Ahlu Sunna Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye.

Guureeye ayaa ka codsaday beelaha walaalaha ah ee dagaalamay inay u dhaga nuglaadaan baaqyada nabada si colaadaas loo soo afjaro.

Sheekh Ibraahim ayaa sheegay in waqtigaan aan loo baahneyn dagaal sokeeye oo ay ku dhintaas dad aan waxba galabsan, tanina ay tahay mid nasiib daro ah.

Guddoomiyaha saddexda  gole ee Ahlu Sunna Sheekh Ibraahim Guureeye ayaa yiri ” Xalku Wuxuu Ku Jiraa Wadahal”

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com