Haween Somali ah Oo Lala Xiriiranayo Alshabaab Oo Lagu Qabtay Holland Iyo USA

0

Amsterdam (AGGM) Ugu yaraan saddex dumar Somali ah oo la rumeysanyahay in ay dhaqaale u aruurinayeen kooxda xagjirka ah ee Alshabaab ayaa lagu qabqabtay wadamada Mareykanka iyo Nederlands.

Gabdhahan oo lagu kala magacaabo Muno Cusman Jamac oo 34 jir ah iyo Hindo Cismaan Dhiirane iyo Farxiyo Xasan.

Farxiya Xasan oo laga qabtay gudaha dalka Nederland ayaa waxaa la rumeysanyahay inay iskaashanayeen labo kale oo dumar oo lagu kala magacaabo Fardawso Jamac Max,e doo joogta Kenya iyo Bariira Xasan C/llahi oo joogta Somaliya.

Haweenkan ayaa lagu eedeyay in ay shabakad yar bil waliba Al-shabab lacag ugu dirayeen, waxana sidoo kale la edeyay Koontiiyin lacagu loogu diro ururada Argagixisa ee ajanibiga h sida ay warbixinta xuseyso, Hadii Haweenkani la xukumo waxa ay mid kasta muteysan doontaa 15 sano oo xabsi ah

Dawladda Mareykanka ayaa kooxda Al-shabaab waxay ku dartay liiska Argagixisada tan iyo markii kooxdaas ay si cad ugu dhawaaqday in ku biirtay urur weynaha  Al-Qacidda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com