Hoos U Dhaca Dalxiiska Kenya

0

Nairobi (AGGM) Sida lagu sheegay warbixinlaga soo saaray hoos u dhac baaxad weyn oo ku yimid dhaqaalaha Kenya waxaa dalkaas sanad walba ka soo geli jiray dalxiiska lacag dhan 41 Milyan oo doolar.

Hoos u dhacan ayaa lagu qiyaasay in uu dhanyahay 4%. Kenya ayaa ka walwalsan hoos u dhaca noocaan ah, iyadoo dadkeedu ku waynayaan shaqooyin farabadan.

Sanadii  2013 ayaa waxaa Kenya booqday 398,000 oo qof oo dunida daafaheeda ka kala yimid.

Dalalka reer galbeedka gaar ahaan UK, AUSTRALIA, USA iyo wadamo kale oo badan ayaa dadkooda uga digay inay booqdaan Kenya. Kaddib weeraro joogto ah oo ay kooxda Alshabaab ee Soomaaliya ku qaado gudaha Kenya gaar ahaan goobaha muhiimka ah ee dalxiisayaashu ay ku tamashlayn jireen sida Mombasa, Lamu iyo jasiirado kale.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com