Isbaheysiga CORD Ee Kenya “ Dawlada Waa In ay Ciidamada Ka Soo Saarto Soomaaliya”

0

Nairobi(AGGM) Isbaheysiga mucaaradka Kenya ee CORD ayaa mar kale ku baaqay in ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya maadaama Kenya nafsad ahaanteeda ay u baahantahay amaan gaar ahaan gobolada xeebta.

Inkabadan 98 mudane oo ka tirsan xisbiga CORD ee mucaaradka ah oo shalay ku shiray duleedka Nairobi ayaa sheegay inay sii wadayaan cadaadiska ay ku hayaan xukuumada Uhuru Kenya si ciidamadooda looga soo saaro Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa Mr Uhuru ugu baaqay in qorshe nabadgelyo oo deg deg ah uu u dejiyo gobolka xeebta oo ay halakeeyeen rabshado iyo dilal ay gaysanayaan Alshabaab.

Halkaan ka dhageyso warbixintaas

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com