Ka Qeyb Qaado Dhismaha Masjidka Tuulada Likooley oo ka tirsan degmada Ceelwaaq(Sawiro+Wareysi)

0

Q eybaha kale duwan ee Bulshada ku dhaqan Tuulada Likooley oo Ceelwaaq kaga toosan 70Km dhanka Bari ayaa maalmahanba waxay dadaal ugu jireen sidii ay dib u dhis iyo balaarinba ay ugu sameyn lahaayeen Masjidka keliya ee ku yaala Tuulada Likooley oo ahaa Cariish yar ayaa hadda la doonayaa in loo bedelo dhismo weyn oo Sar ah oo cabirkiisu uu dhan yahay 20mt*20mt,si uu u qaado markiiba ilaa 1000 qof.

Sh.Xasan Nuux oo ka mid ah Gudiga Dhismaha Masjidka Tuulada Likooley oo la hadlayey warbaahinta ayaa ka Codsadey Dadka muslimiinta meel kasta oo ay joogaan in ay ka qeyb qaataan dhismaha masjidkan oo horey u ahaa Cariish yar,haatana la doonayo in la balaariyo lagana dhigo Masjid weyn oo Sar ah.

Sh Xasan ayaa waxaa uu intaasi ku darey dadka deegaanka in ay kaga qeyb qaadanayaan dhismaha masjidka dhagaxii lagu dhisi lahaa iyo muruqooda,isagoo sheegayna qiimayn la sameeyey dhismaha masjidka in ay ku bixi doonto lacag dhan$35kun oo Dolar.

“Sadaqo markaad bixiso ilaahay wuxuu balanqaadey inuu kuu laban laabayo ilaa 700 oo jeer iyo intii ilaah uu doono,” ayuu yiri sh.muxumed sh.max,ed Gaas oo ku booriyey dadka Islaamka meel kasta oo ay joogaan in ay ka qeyb qaataan howlaha Taburacaada ah ee lagu dhisayo Masjidka Jaamaca ee ku yaala Tuulada Likooley oo ka tirsan degmada Ceelwaaq.

Sadaqo waa waxa ugu qiimaha badan mida xitaa marka aad dhimato ka gadaal uu ajarkeeda uu kuu soconayo oo ah sadaqada jaariyada ah sidii Nabigeena( SCW) uu ku sheegay xaddiithka saxiixa ah.

FG:  Waxii kale oo faahfaain dheeri ah la xariir telefonada Qaar ka mid ah Xubnaha Gudiga dib u dhiska Masjidka Jaamaca ee Tuulada Likooley .

1-Sh.Xasan Nuux Maxamed                 Tel.+252615814236

2-Sh.Muxumed Sh.Maxamed Gaas         Tel.+252615131871

3- Sh.Cabdulaahi Sayid Aden               Tel.+252618659979

masjidka jaamaca likooley Dhagaxa loo diyaariyey Dhismaha Masjidka Likooley