Kabakutukade” Jidgooyooyin Buurane Ku Yaalla Ayaan Weerarnay”

0

Jowhar(AGGM) Sarkaalka ugu sareeya Alshabaab ee gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegay in ciidamada ururka Alshabaab ay weerareen fariisimo ay ku lahaayeen ciidamada dowlada deegaanka Buurane oo ka tirsan degmada Mahaday ee gobolkaasi.

Yuusuf Kabakutukade ayaa sheegay in qasaare ay u gaystaan ciidamada dawlada halkaasna uu ka dhacay dagaal xoog leh oo labada dhinacba ay faraha iskula tageen.

Dad goobjoogayaal ah ayaa arkay  meydadka qaar ka mid ah ciidamadii ku dagaalamay deegaanada Buurane.

Ururka Alshabaab ayaa kordhiyay weerarada ku dhufo oo ka dhaqaaqda loo yaqaan ee uu ku qaadayo saldhigyada ciidamada dowlada bishan Ramadaan.

Halkaan ka dhageyso Yuusuf Kabakutukade

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com