Kaliil ”Wax War Ah Uma hayo Socdaalka Xasan Sheekh Ee Gedo”  

0

Muqdisho (AGGM) Maxamed Cabdi Kaliil gudoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo ee dawladda Soomaaliya oo hadda ku sugan Muqdisho ayaa waxa uu eedeymo u jeediyay madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta gaaray caasimada gobolka Gedo ee  Garbahaarey.

Kaliil ayaa si cad u sheegay inaanu waxba kala socon safarka uu madaxweynuhu ugu amba baxay magaalada Garbahaarey, isla-markaana aanu la soo socodsiin.

Kaliil wuxuu muddo khilaaf kala dhexeeya RW Cabdiwali ku joogay Muqdisho. Balse wuxuu ku booriyey in Xasan uu indhihiisa ku soo arko xaalada bini’aadanimo ee ka jirta Gobolka Gedo.

Guddoomiye Kaliil ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in uu horay wax uga qaban waayay abaaraha ka jira Gedo balse wali uu haysto fursad loona baahanyahay in uu wax u qabto umada gobolkaas degan.

Madaxweyne Xasan ayaa maanta booqasho ku joogo magaalada Garbahaareey, waxaana  ku wehlinaya Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil Ciidan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com