Kenya Oo Maxkamad Saartay Axmad Xasan Oo Loo Haysto Inuu Dilay 78 Qof

0

Nairobi (AGGM) Dacwad soo oogayaasha Kenya ayaa wiilkan Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Axmad Xassan ku eedeyay inuu ka tirsanyahay kooxda Alshabaab islamar ahaantaasna uu dilay dad ka 78 xilli isaga iyo kooxo kale ay weeraro ka gaysteen degmada Lamu ee dalkaas Kenya.

Axmad Xasan waxaa 24ka bishan ay ciidamadu ka qabteen isagoo ku sugan magaalada Gaarisa ee waqooyiga Kenya, waxayna u soo gudbiyeen maxkamada Lamu maadaama dambiyo looga haysto halkaas.

Nin kamid ah kooxda baaraysa kiiska loo haysto Axmed oo lagu magacaabo Abogi ayaa sheegay ninkaan loo haysto ku luglahaanshaha weeraro kala duwan oo ka dhacay deegaanada Kakathe, Pandanguo, Mpeketoni, Hindi, Kibaoni iyo Witu oo dhamaan ku yaalla gobolka xeebta Kenya.

Dhageysiga dacwada Axmed waxay dib u billaaban doontaa 11 bisha August ee soo socota.Kenya ayaa xabsiyadeeda ku hayso Soomaali aan tiradooda la ogeyn kuwaas oo dhamaantood loo haysto inay xiriir la leeyihiin Alshabaab iyo in weeraro ay gaysteen amaba ay abaabulayeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com