Kuxigeenkii duqa Gaalkacyo oo geeriyooday

0

Wararka naga soo gaarya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaMudug ayaa sheegaya in shil gaari oo kadhacay halkaasi uu ku geeriyooday ku xigeenkii duqa Magaalada Gaalkacyo.

Masuulka geeroyooday oo lagu magacaabo Cabdi Ismaaciil Faarax “Ciiro”, ayaa latilmaamay in shilka uu ku galay inta u dhaxeysa deegaanka Cagaaran iyo Magaalada Gaalkacyo, waxaana lasheegay in gaariga oo ahaa nuuca raaxa uu la rogmada marxuumka halkaasina uu ku nafbaxay.

Xiliga shilka uu dhacayey waxaa Cabdi Ismaaciil kuxigeenkii duqa Gaalkacyo lasocday laba ruux oo midkood lasheegay in uu qabo dhaawac halis ah.

Masuuliyiin Gaalkacyo kusugan oo lahadlay Allgalgaduud.com ayaa sheegay in Meydka marxuumka lageeyey isbitaalka Al-xayaat ee Magaalada Gaalkacyo halkaas oo ay kusuganyihiin masuuliyiin iyo qaar kamid ah Ehelada Marxuumka.